Maamulka Puntland Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Soo Dhigeen Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda maamulkaasi, ka dib dagaal ka dhacay buuralayda Galgala

Maamulka Puntland ayaaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen deegaanadii uu dagaalka ka dhacay ee Galgala isla markaana ay ka saareen  kooxda Al-Shabaab

Taliyaha ciidamada Puntland ee Buuralayda Galgala Jaamac Siciid Warsame (Afgaduud) ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii socon doonaan dagaaladaan inta gabi ahaanba Al-Shabaab aga saarayo deegaanadaasi.

Wuxuu sidoo kale taliyuhu uu sheegay in dagaalka ka dhacay halkaasi uu ka danbeeyay ka dib markii ay weerar qaadeen ciidamada Puntland isla markaana ay weeraro meelo ay ku sugnaayeen kooxdaan.

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa jooga dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan kuhaaya deegaanada Puntland.

Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay Buuralayda Galgala, marka laga soo tago hadalka soo yeeray maamulka Puntland

xog hol

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS