Madaxweynaha wadanka Maraykanka Obama ayaa ka hadlay dhibaatooyinka haatan ka taagan wadanka Maraykanka ee xaga amaanka ah.
Washiton Post oo soo xiganaysa madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegat in haatan laga walaacsanyahay dhalinyarada ku sii badanaysa wadanka Maraykanka.
Obama ayaa amray in il gaar ah lagu haayo dhalinyarada Soomaaliyeed sida ay sheegtay Washiton Post waxaana uu muujiyay madaxweynaha walaaca uu ka qabo amaanka wadanka.
Sidoo kale madaxweyne Obama ayaa amray in il gaar ah lagu haayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo safra wadanka isla markaana dib ugu laabta wadankaasi Maraykanka.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dhamaanba Hay’adaha iyo laamaha amaanka loo baahanyahay in arintaan ay ka wada shaqeeyaan isla markaana ay diidaan in la dhibaateeyo wadanka.
Wuxuu ku dheeraaday madaxweynaha Maraykanka in maalmihii ugu danbeeyay uu maqlayay dad badan oo loo qabtay falal ka soo horjeeda amaanka Maraykanka, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay tahay mid aanan loo dul qaadan Karin.
Ugu danbeeyntii Madaxweyanaha ayaa sheegay in haatan dhalinayaro lala xariirinayo Al-shabaab in ay ku jiraan xabsiyada dalka, islamarkaana qaarkood xukun uu ku dhacay.
XOG RBC
