Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso,Isagoona Kusii jeeda dalka Jabuuti.
Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Safarkiisa dalka Jabuuti,waxaa ku weheliya Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan,Wasiirka Dekedaha Eng. Siciid Maxamed Raage,Siyaaasi Cali Cabdi Awaare iyo Wasiir Kuxigeenka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali””Cali Xoosh.
Safarka Madaxda Puntland ay ugu baxeen dalka Jabuuti ayaa ahaa mid qarsoodi ah oo Saxaafadda habayaraatee laga qariyey iyadoona taas loogu sababeeyey arrimo dhanka amaanka ah.
Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa Ujeedada Safarka Madaxweynaha ku sheegay in ay dalka Jabuuti uga qeybgalayaan Aas Qaran oo loo sameyn doono AUN Guddoomiyihii hore ee Bangiga Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd.
…””” AUN Guddoomiyihii Bangiga Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd bey ahayd Aaskiisii marka taasu Madaxweynuhu ka qeybgalayaa Isagoo matalaya Dawladda Puntland,maadaama ay yihiin dad Soomaaliyeed iyo Dawlad Soomaaliyeed, nin weyn oo muhiim ah buu ahaa,..””ayuu yiri Wasiirku.
Waxaa la filayaa sida warbahint ay heshay Warar lagu kalsoonyahay muddada ay joogayaan Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Farole iyo Wafdigiisa in uu kulamo la qaadan doono Madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. ______________rbc__________
