Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Degay Magaalada Washington

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay  magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo waliba wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay halkaasi masuuliyiin iyo waliba Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Washington.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Raysal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliyeyaashiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la kulmo doono Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa hey’ada ugu weyn ee gar gaarka Mareykanka ee USAID.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Maraykanka, waxana sidoo kale uu tagi doonaa magaalooyin kala duwan

Booqashada oo ah tii u horeysay ee madaxweynaha Soomaaliya ku tago Mareykanka tan iyo markii bishii September lagu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

xog rbc

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS