Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalbaday In La Joojiyo Lacag Shilin Soomaali ah oo Lagu Daabacay Suudaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tagay wadanka Suudaan ayaa sheegay inuu booqday xarunta warshad lacagta sameysa taasoo hadda daabacaysa lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in baahida lacageed ee Soomaaliya ka jirta ay ka horeyso arimo badan sida in dalka la xasiliyo isla markaana la diyaariyo habkii lacagaha loo maareyn lahaa, wuxuuna cadeeyay inuu codsaday in lacagta cusub ee hadda lagu daabacay wadanka Suudaan dib loogu dhigo oo aan hadda dalka la keenin.

Kulamada wafdiga madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sidoo kale uu kulamo la qaatay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan al Bashiir iyo masuuliyiin dawlada qeybaheeda kala duwan ah ayna ka wada hadleen xiriirka labada dawladood iyadoo dawlada Suudaan ay ballanqaaday tababarida ciidamada booliska Soomaaliya taasoo dawlada federaalka Soomaaliya ay codsatay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan iyo taliyaha nabadsugida Axmed Macalin Fiqi.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Suudaan kaga qeybgalay munaasabada 57-guurada ka soo wareegatay madax bannaanidii wadankaasi. XOG RBC

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS