Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Mxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay dalka mareykanka.
Mudane Xassan Sheekh Mxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa shaqo ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid ahey ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Soomaaliya marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo qaar ka tirsan lataliyayaashiisa.
Madaxweynha ayaa lagu wadaa in dhigiisa dalka Mareykanka Mr. Brack Hussein Obama uu kala hadlo xiriirka labadal, kan gobolka iyo arrimo kale oo caalami ah oo ay ku jirto danaha labada dowladood.
Shantii bilood ee ugu danbeysan Madaxweyne Xassan Sheeh Maxamuud ayaa waxa uu booqasho ku bixiyay dalal badan oo Afrikaan ah, isagoona heshiisyo dhowr ah oo quseeyo arrimaha Soomaaliya la saxiixday madaxda dalalkaasi, waxaana lafilaa in heshiisyo nuucaas ookale ah uu la soo saxiisdo dowladda Mareykanka.
Source: SONNA
