Marti Sharafta Gaarisa, Jigjiga iyo Kismaayo oo barri ka anba baxi doono Puntland.

Ergooyinkii kala duwanaa ee ku sugnaa deeganada Puntland ee ka koobnaa Wafuud caalami ah ee ka kala soctay Maamulka Federaalka gobolada Waqooyi galbeed ee dalka Kenya iyo Gudiga Maamul u sameynta dowlada Jubaland iyo Qaar ka mid ah Isimada Jubaland oo ay waheliyeen wafdi kasocda dowlada Federaalka ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee uu Madaxweynaha kayahay Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta magaalada Boosaaso kusoo gaba gabeeyay kulamadii ay la lahaayeen Masuuliyiinta, Isimada iyo waxgaradka Puntland.

Kulamada uga socday Benar-Qaasim Gaarisa, Garoowe, Jigijiga iyo Kismaayo ayaa si rasmi ah ugusoo dhamaaday guul iyo is afgarad, waxaana lagu wadaa maalinta bari ah in ay ka anba baxaan deegnada Puntland marti sharafta booqashada ku joogtay Puntland ayagoo dib ugu noqonaya Jigjiga, Gaarisa iyo Kismaayo .

Marti Sharafta caalamagi ah ayaa socod qaatay todobaad  ku marayay deeganada kala duwan ee Puntland, waxeyna kulamo kusoo kala qaateen maagalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso ee Puntland, ayagoo ugu danbeyntiina casho sharaf la qaatay Madaxweynaha Xukuumada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole), Isimada iyo waxgaradka Puntland.

Wufuuda caalamagi ah ayaa sidoo kale kulmo la qaatay maamulka degmada Boosaaso iyo Maamulka rugta ganacsiga Puntland.

Kulamadaasi xasaasiga ahaa oo saxaafadda dibad ka joogtay ayaa inta badan lagu gorfeeyay sidii loo taageeri lahaa maamulka cusub oo ay sameeysanayaan dadka u dhashay gobollada Jubooyinka iyo Geddo.

ayadoo sidoo kale la isla meel dhigay sare u qaadida ganacsiga, horumarinta 4-gobol, isku xirka shacabka iyo mataaneynta Gaarisa, Garoowe, Jigijiga iyo Kismaayo.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS