Hogaamiyaha maamulka Kumeel gaarka ahaa ee waqtigiisu idlaaday ee magaalada Kismaayo iyo masuuliyiin kasocota IGAD ayaa dhawaan kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi Kismaayo ee xarunta J/ hoose.
Wafdigaan oo Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo waayahaan Axmed Madoobe ku sugnaa kasoo kicitimay ayaa waxa ay wadaan howla uu muhiim u arko hogaamiyaha Raaskanbooniyiinta.
Sida goob joogayaashu sheegeen wafdigaan waxa ay kulan kula qaateen saraakiisha AMISOM garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, halkaasi oo wali aan lasoo tebin waxa ay uga wada hadleen.
Masuuliyiinta lasocota Axmed madoobe ayaa waxaa lasheegay in ay u gogol xaarayaan wajigii ugu danbeeyay ee dadaalada maamul u sameynta gobaladaasi oo waayahaan ahaa mid kamid ah hadal heynta ugu badan ee dalkeenna Soomaaliya.
Inkasta oo Axmed Madoobe iyo IGAD ay isku aragti ka yihiin maamul u samenya Jubooyinka iyo Gedo ayaa hadana dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay shaacisay in IGAD aysan shaqo ku laheyn ka shaqeynta aayaha Soomaaliya oo lagu dhaqayo gobaladaasi rabitraanka Shacabkooda dowlada Soomaaliyana ay kor kala socaneyso.
