Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay Inay Taageerayaan Dagaalyahanada Islaamiyiinta Maali

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay taageerayaan dagaalyahanada Ansaaru diin ee ka dagaalama waqooyi wadanka Maali.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay taageerayaan dagaalyahanada ka soo horjeeda dowlada wadanka Maali.

“waxaan taageeraynaa mudaahidiinta Ansaaru Diin iyo dhamaanba Mujaahidiinta kale ee caalamka oo dhan ka dagaalanta”sidaasi waxaa yiri Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al-Shabaab.

Hadalka Cali Dheere ayaa wuxuu ku soo adayaa xili ciidamada Faransiiska ay howlgalo ka wadaan Maali si ay u taageeraan ciidamada dowlada Maali, isla markaana dhowaana ay weeraro ka geesteen koofurta Soomaaliya.

Wadanka Maali ayaa waxaa ku dagaalamaya ciidamo dowlada iyo waliba kooxda Ansaaru Diin , waxaana kooxdaan ay dowlada ka qabsatay meelo badan oo ka mid ah wadankaas, waxaana loo aqoonsaday koox Argagixiso ah.

Weerarkii ciidamada Faransiiska ee Soomaaliya ayaa wuxuu noqday mid fashilmay laakiin waxaanan la ogayn in ciidamada Faransiiska ay qaadi doonaan talaabooyinka kale oo la mid ah talaabadaasi. RBC

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS