Warbixin/Sawirro: Shirkii Dhaqanka Gobolka Mudug oo Ka Furmay Degmada Goldogob.

Goldogob.

Degmada Goldogob ee gobolka Mudug waxaa galinkii dambe ee shalay ka ka furmay shir ay isugu Yimaadeen Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug Kaasoo looga hadlayay Nabada iyo Hormarka Gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa ahaa mid aad balaaran waxaana soo agaasimay Xarunta Nabada iyo Cilmi Baarista Geeska Africa iyadoo dhinaca Warbaahintana ay ka caawisay Shirkada Isgraadsiinta Golis Telecom Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka horeeyey Shirar hoosaadyo ka dhacayay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob oo loogu gogol xaarayay Shirkan Galabta ka furmay Magaalada Goldogob.

Shirkaan ayaa Waxaa Kasoo qayb galay isimo Badan oo ay Kamid ahaayeen Ugaas Cali Ugaas Maxamed, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax , Suldaan cabdisalaan Suldaan Maxamuud, Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud Cilmi Calas , Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire Faray, Suldaan Maxamed Jaamac Shire , Islaan Xasan Cigaal, Suldaan Cabdi Bile, Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig, Suldaan Axmed Maxamed Cabdulle Burtinle iyo Nabadoono Faro Badan oo Kakalayimid Daafaha Gobolka Mudug Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Goldogob.

Ugu Horayn ayaa Shirkii Galabta Waxaa Furay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax isagoona Sheegay inay tahay mid lugu farxo in dhamaan dhaqankii Gobolka ay Goldogob isugu yimaadaan.

Dhinaca Kalena islaan Bashiir ayaa Sheegay ajandaha Shirka isagooona Tilmaamay in Shirkaan uu yahay Shir Dhaqan Kana madaxbanaan siyaasada kaasoo ah Mid dadka Gobolka Mudug ay uga tashanayaan aayahooda Hormarka iyo Nabada.

Ugu Danbayna Shirkii Galabta oo ahaa Mid Furitaan ku kooban ayaa Waxaa Soo Xiray Ugaas Cali Ugaas Maxamed isagoona ugu Horayn umahad celiyay Dhaqanka Gobolka Mudug ,Waxa uuna intaas kudaray in Shirkaan uusan ahayn Mid siyaasadeed.

Shirkii Galabta ayaa Kusoo gabogaboobay Jawi heersare ah iyadoona loo balamay in Maalinimada Bari ah laysku yimaado 8:00AM iyadoona halkaas Shirku kasiisocondoono.

Daawo Sawirrada:-

image jpg 1967-3

image jpg 1967-4

image jpg 1967-5

image jpg 1967-6

image jpg 1967-7

image jpg 1967-8

image jpg 1967-9

image jpg 1967-11

image jpg 1967-12

image jpg 1967-13

image jpg 1967-14

image jpg 1967-15

image jpg 1967-16

image jpg 1967-17

image jpg 1967-18

image jpg 1967-29

image jpg 1967-30

image jpg 1967-31

image jpg 1967-32

image jpg 1967-33

image jpg 1967-35

image jpg 1967-36

1Commentfor“Warbixin/Sawirro:ShirkiiDhaqankaGobolkaMudugooKaFurmayDegmadaGoldogob.”

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS