Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Qaybaha Ka Dulwan Ee Bulshada Baydhabo Iyo Maamulka Gobalka Bay

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo maanta gaaray magaalada baydhabo asaga iyo waliba wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waliba maamulka gobalka.

Kulankaan ayaa waxa looga hadlayay guud ahaan xaalada gobalka Bay iyo waliba sidii amaanka looga wada shaqayn lahaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka gobalka.

Saraakiisha amaanka ee gobalka Bay ayaa wafdiga dowlada kaga warbixiyay xaalada gobalka waxayna sheegeen in xaaladu ay tahay mid wanaagsan isla markaana amaanka uu soo hagaagayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa shacabka iyo saraakiisha gobalka Bay ku booriyay in ay wada shaqeeyaan isla markaana ay ka hortagaan wax walba oo ka soo horjeeda amaanka Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ka shaqaynayso sidii ay u soo laaban lahayd nabadgalyadii iyo xasiloonidii wadanka, wuxuuna si gaar ah uu u booriyay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Maanta ayaa magaalada baydhabo waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi waxaana wasiirka socdaalkiisa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan dowlada oo uu ku jiro taliyaha ciidamada xooga Dalka Soomaaliya. xog rbc

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS