Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Warbaahinta Gudaha la hadlayay ayaa sheegay in meel cid lo ah ay iska heli doonaan iyaga iyo ururka Alshabaab oo uu ku tilmaamay koox wareersan oo kusoo daandaantay Buuraha GalGala kadib markii Koonfur inta badan laga soo sifeeyey si ay u qalqal galiyaan amniga Puntland sida uu yiri Wasiirka Warfaafinta.
“ Horay waad u maqasheen in ay yiraahdeen Calankeena ayaan ka taageynaa Deegaanada Puntland oo waxaa la gaaray xiligii aan xorayn lahayn, laakiin waxay jawaab culus ka heleen Ciidanka Amniga iyo kuwa Daraawiishta Puntland waana filayaa in ay iska muuqato Ducuf nimadooda waa tiro kooban waana sifayn doonnaa anagoo iskaa shaneyna ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay Hawlgalo la sheegay in aaga Gal-Gala ay ka wadaan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in arintaasi ay jirto kutalagalkuna uu yahay in cadawga laga hortagaa inta uusan xoogaysan,Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in kooxda Alshabaab ay Hadba goob ka Qaxaan kolkaana Ciidanku ay goobahaasi la wareegaan wuxuuna sheegay in Puntland ay ka adagtahay sugida nabadgelyadeeda mana u dulqaadan doonto ayuu yiri wasiirku Dhaqdhaqaaqa ay alshabaab ka wado buuraha Gal-Gala iyo Nawaaxigeeda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay aad uga xuntahay in Shacabkii Beeraleyda ahaa ee ku sugnaa Gal-Gala lagasoo barakiciyo Deegaanadoodii ay halkaasi ku lahaayeen isagoo eedaasi dusha uga tuuray Alshabaab sheegayna in intii karaan kood ah Dowladu ay qorsheeneyso in dadkaasi dib u dajin loo sameeyo isagoo ku booriyay dadka Deegaanka Gal-Gala in ay Dowlada kala shaqeeyaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada si qudhooda ay amni waara ay u helaan ayuu yiri Wasiirku.
Arintan ayaa imaaneysa iyadoo kooxda Alshabaab dhawaan ay sheegeen in ay la wareegi doonaan gacan ku haynta Deegaanada Puntland sidoo kalena uu jiray Dagaalo Agagaarka Gal-Gala ku dhex maray maleeshiyaadka alshabaab iyo Ciidanka Puntland Dagaalkaasi oo Qasaare Nafeed geeystay. rbc
