Dagaal khasaaro dhimasho & dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Cadweyne oo 6-Km dhanka koonfureed kaga began degmada Xuddun ee gobolka Sool ka dib dagaal qaraar oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Somaliland & kuwa Khaatumo.
Maxamed Cali oo ka mid ah odayaash Xuddun ayaa CODKA WAAMO u xaqiijiyey in dhanka ciidanka Khaatumo ay ka dhaawacmeen shan nin,halka midna uu dhintay,wuxuu xaqiijiyey in Gaari nooca waraadka loo yaqaano ay Somaliland qabsatay.
Dhanka Somaliland oo dagaalka soo qaaday waxaa lagaga gubay hal gaari oo uu sheegay inay saarnayeen ciidmo Somaliland ka tirsan,wuxuu sheegay in dhanka Somaliland uu khasaaro jiro balse uusan hubin inta uu dhanyahay.
Dadka deeganada uu dagaalku ka dhacay ku nool ayaa xaqiijiyey in weli ciidamadu is horfadhiyaan,waxay kele oo ay shegeen in ciidmada Somaliland ay dhibaato ku hayaan dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool.
Labada dhinac ee dagaalamay weli kamaysan hadlin dagaalkan,wallow maalmahan oo dhan marba agaagsi uu dagaal ka dhacayey.
Maalmahan xiisado dagaal ayaa ka aloosnaa gobolka Sool,iyadoo toddobaadkan ciidamo Khatumo ka tirsan ay weerar ku qaadeen ciidmada Somaliland ee Laascaanod ku sugan,waxaana jira diyaargarow dagaal oo ay samaynayaan labada dhinacba.
