Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa xalay ila manta saraan bandow ay ku soo rogeen Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Amisom.
Bandowgaan ayaa waxaa uu yimid ka dib marki ay magaalada Kismaayo soo gareen wufuud ka socota Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo qaar ka mid ah Ergoyinka ka qayb gali lahaa Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Madaxa Amaanka Kismaayo ah na Taliyaha Saldhiga Magaalada Kismaayo Deeq Khalinle ayaa waxaa uu warbaahinta u shegay in bandowgaan ay u soo rogeen in ay si xaqiijiyaan Amaanka Magaalada Kismaayo oo hada la isku halayn karo.
Taliyaha ayaa waxaa uu shegay in bandowgaan u socon doono ila amaanka Kismaayo 100/100 la xaqiijiyo isla markana ay magaalada soo wada garaan ergoyinka ka qayb galaya Shirweynaha Maamul usameyta Jubboyinka iyo Gedo.
Bandowga Magaalada Kismaayo lagu soo rogay ayaa waxaa uu u muqda mid la rabo in lagu xaqiijiyo Habsami usocodka Shirweynaha Maamuul usameynta Jubboyinka iyo Gedo
Magaalada Kismaayo ayaa waxaay manta la ciirciraysa Masuliyiin sameyn wayn ku leh siyaasada Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxana ka mid ah Masulinta manta Kismaayo ku sugaan isla markana ka wada dhaq dhaqaaqa siyaasadeed.
Gen Cabdilahi Sh. Ismaiil Fartaag
Prof Gandi
Sh Maxamed Aw-libaax
Macalin Maxamed
Bile Qabowsade
Imaan Rashiid Guura
Muqtaar dheere
Cabdi Casiis
Sh Maxamed Daa,uud Codweyne
Col Colujoog.
iyo rag badan oo aan halkan lagu soo koobi karin waxaana dhamaan Siyaasiyiintaan ay toos uga qayb qadanayaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
