GAALKACAYO: Dablay kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacayo oo 3-qof ku diley Waqooyiga Gaalkacayo

Wararka ka imaanaaya Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaaya in xalay ay kooxo hubaysan Magaalada Gaalkacayo ku dileen Sadex qof oo ku cawaynaysay goob Meherad ah oo ku taala Xaafada Garsoor .

 

Gaalkacayo, oo dad lagu laayey.

Gaalkacayo, oo dad lagu laayey.

Nimankan Rasaasta ku furay dadkan Meherada ka qaxweynaayey ayaa watey gaari waxayna markiiba u baxsadeen Xaafada Koonfureed ee Magaalada Gaalkacayo sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan Magaalada Gaalkacayo, Sadexdii qof oo dhamaantood rag ahaana waxay ku naf baxeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacayo.

Markiiba waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska ee Magaalada Gaalkacayo waxayna bilaabeen biraataano ay ku raadinayaan dambiilayashii falkan geystay walow aan lasoo sheegin cid ay illaa iminka u qabteen falkaasi.

Werarka noocan ah ayaa noqonaaya kii 2-aad oo Asbuuc gudihii ka dhaca Gobalka Mudug ayna geystaan Maleeshiyaad kasoo talaaba Koonfurta Gaalkacayo,Majiro ilaa iminka war kasoo baxay Maamulka Gobalka Mudug iyo Dawlada Dhexe Puntland Inkastoo la filaayo inay ka hadlaan wakhtiyada soo socda.

XOG PP

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS