GAROOWE: Gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir oo sheegay Qolada uu ka yahay Soomaalida & Warar Isqilaafsan oo uu sheegay Warbixin

Garoowe: (- Gacan ku dhiiglihii dilay Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo markii gacanta lagu soo dhigay, oo la waraystay ayaa sheegay Qabiilka uu yahay , wuxuuna ninkan uu sheegtay markii shacabkii qabtay ay Waraysteen inuu ka soo jeedo Beel ka mid ah Beelaha Hartiga , haddana markii ay la wareegeen isla markaasna ay baareen Ciidamada CID-da- Puntland ayuu sheegay inuu ka soo jeedo Beesha Isaaq , Habar Jeclo, Aadan Madoobe , laakiin Hooyadiis ay tahay Dhulbahante (Saciid Harti).

 

Gacan ku dhiiglihii dilay Sh. C/qaadir N. Faarax

Gacan ku dhiiglihii dilay Sh. C/qaadir N. Faarax

Wuxuu kaloo sheegay Gacan ku dhiigluhu in Weerarkii Gaalkacyo ee lagu dhaawacay 22-ka qof , Gen. Muxuyadiina lagu doonayey in lagu qaarajiyo iyo dagaalada ka socda Galgala iyo Dilka Sheekha ay Yihiin kuwa Wada socda, waxaase warka banaanka loo soo saari doonaa marka waraysigan iyo xogta laga dhameeyo gacan ku dhiiglaha, waa sidda ay sheegeen Illo ka ogdhow laamaha ammaanka Puntland ee xarrunta Caasimada Puntland.

Daawo Waraysiga laga qaaday , iyadoo ay ka qaadeen dadkii ugu horeeyey ee gacanta ku dhigay oo shibil caadi ahaa Waraysiga laga qaaday ayaa lagu duubay Mopilka ,inta aysan la wareegin ciidamada CID-da Puntland.

Qabashada ninkan ayaa la sheegayaa in warar badan uu runta ka sheegay, isagoo illaa hadda sheegay dilka halka laga soo maleegay iyo shaqsiyaadka soo maleegay.

Dilka Sheekh ayaa Walaac hor leh ku abuuray shacabka Puntland, iyadoo dilka Sheekha uu noqday arrinka loogu hadal badan yahay Soomaaliya iyo deegaanada Qurbaha ee ay Soomaalidu ku nooshahay

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS