Wasiirada Xukuumada Federaalka Somaliya ayaa waxa ay meel mariyeen maamul usameynta Gobolada iyo Deegaanada lagala Wareego kooxda Shabaab.
Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wasiiradu ay Meel mariyeen habka Maamul u sameynta Gobollada dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in arrintaasi ay ka doodeen Golaha Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana Cod aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen Hab dhismeedka Maamulada Gobollada dalka isagoona sheegay in arrintaasi ay waafaqsantahay habka Federaalka isagoona intaasi ku daray in arintaasi loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Fadhi ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka waxa ay ugu Xilsaareen in Maamullo KMG ah ay u sameyso degmooyinka iyo deegaanada dhawaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka saareen Kooxda Shabaab.
