Sida ay sheegtay warbaahinta ku hadashaafka kooxda Al Shabaab, waxay kooxda maanta degmada Jilib ku toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa askarta dawlada federaalka Soomaaliya kaasoo ka yimid dhanka magaalada Kismaayo.
Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Xasan Cabdi, waxaana sida warbaahinta Al Shabaab ay sheegtay xukuntay maxkamad ay leeyihiin Al Shabaab oo ku taalla degmada Jilib. Dilka ninkan ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Warar kale ayaa sheegaya in ninkan lagala degay baabuur uu saarnaa oo ka yimid dhanka magaalada Kismaayo.
Ma cadda in ninka la toogtay uu ahaa askari iyo in kale, waxaase saraakiil Al Shabaab ka tirsan oo xukunka fuliyey ayaa ku dooday in ninka ay qabteen uu ahaa askari lagu soo tababaray Kenya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Al Shabaab ay toogasho ku fuliyaan ruux ay qabteen, waxaana sanadihii la soo dhaafay marar badan ay dad kala duwan ku fuliyeen xukuno dil iyo ciqaabo kake isugu jira iyagoo dadkaasi ku eedeeyay inay ahaayeen jaajuusiin iyo inay la shaqeynayeen dawlada. XOG RBC
