Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo sheegay in si dhaqsiyo ah loo hirgalinayo xarumaha ciidanka , ciidamadana laxarayn doono…..

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka horjeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka UK.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xareynta Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya iyo kor uqaadista tayadooda waxa uuna sheegay in dhamaan xeryaha cidamada xooga dalka Somaliya dib loo hoolgalin doono lana tayeendoono ciidamada Xooga Dalka Somaliya si ay amaanka iyo xasiloonida usugaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in dhamaan Ciidamada dowlada Federaalka Somaliya ee wadooyinka ku sugan dhamaan la xareyn doono askari walbana xeradiisa lagu xisaabin doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in talaabadaani ay tahay horumar Dhanka amaanka ah waxuuna Sheegay in ay adkeyn doonto amaanka Sheegayna in ay fududeyn doonto in la kala garto cida wadata qoriga in ay tahay ciidamada amaanka iyo in tahay kooxda shabaab iyo in ay qayb ka yahin dadka wada falalka amaan darada ee magaalada muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu sheegay in marka la xareeyo ciidamada ka dib la samayn doono hubka dhigis guud oo lagu samayn doono magaalada taasi o keeni doonto in laga waayo hubka guryaha dadka rayidka ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyada oo aysan ciidamda dowlada lahayn xerooyin ay ku xareysanyihiin askarta waxa ay hubkooda la aadaan guryahooda iyo magaalada dhexdeeda tasi oo keenaysa in aan lakala garan cida ciidanka ah iyo cida dano kale u adeegsata hubka.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS