Puntland Oo Ka Mamnuucday Garoomada Diyaaradaha Iney Ka Dhoofaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Baasaboorada Dalalka Shisheeyaha Sita

Boosaaso[] Wasiirka amniga iyo DDR-ta Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa amar ku bixiyey in Garoomada Diyaaradaha ka dhoofi karin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee dhaliilsan Siyaasada Dawladda.,kuwaas oo wata Baasaboorada wadamada Shisheeye.

Khaliif Ciise Mudan oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Saxaafadda gudaha u sheegay in dhacdada xalay Boosaaso ay sameeyeen dad aan lahayn awood,dadka sameeyeyna weerarka ayuu ku sheegay in dhowr jeer la taliyeen.

…”””” Waa run arrin baa dhacday,waxaana sameeyey dad aan awood lahayn,dadka sameeyeyna waa dad horay aan ula hadlay,waxayna soo dedejinayaan in la qabqabto,waxaana u sheegayaa inaanan u dulqaadaneyn intaas ka badan,wixii tallaabo ahna aan qaadi doono….””ayuu yiri Khaliif.

Baasaboorada Shisheeyaha.

Wasiirka amniga dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa xusay in kuwa wada dhibaatada amaan daro ay ku jiraan rag wata Baasabooro wadamada Caalamka ah.

Wuxuu tibaaxay in Siyaasiyiintaas ku sheegayaan ineysan ka dhoofeyn Garoon Diyaaradeed oo kuyaala Puntland isla markaana lawada joogayo gudaha Puntland dhibta laga wadona lagu wada Jiraayo.

…””” Waxaa ku jira rag wata Baasabooro oo raba iney banaanka u baxaan,taas lafteeda waxaan u sheegayaa Garoon Diyaaradeed oo Puntland kuyaala ineysan ka dhoofi karin oo aan amar ku bixiyey,,wadanka gudihiisana la joogaayo oo dhibta la wado lagu wada jiraayo…””ayuu yiri.

Shacabka ku dhaqan Boosaaso iyo deegaanada kale ayuu ugu baaqay Wasiirku iney dawladda ka taageeraan sidii wax looga qaban lahaa kuwa dhibaatada wada isla markaana ka Codsaday in Nabadda ka Shaqeeyaan.

6-Bilood Ayaan Cabdullaahi Siciid la Hadleynay!!.

Khaliif Ciise Mudan,waxa uu cadeeyey in muddo 6-bilood ah ay kala hadlayeen Gen Cabdullaahi Siciid Samatar in dhibaatada iyo khalkhalgelinta uu wado uu Shacabka ka daayo balse waxba Iskama badelin.

Dhibaato soo gaarta Shacabka Boosaaso iyo Puntland ayuu dusha u saaray in eedeeda uu qaadayo Siyaasiyiinta uu Gen Cabdullaahi Siciid Samatar madaxda u yahay,Isagoona intaas ku daray iney la Xisaabtamayaan.

…””” Waxaa qaadaya nimankaas uu Cabdullaahi Siciid uu madaxda u yahay oo halkaas jooga fidnada kawada wadanka oo aan 6-bilood leenahay ka joog,ka daaya rabashada gacan qabow kula dhaqanay, baa ka masuul ah,Weli dabagal baa lagu jiraa laakiin arrimaha dhacay iyo kuwii horay u dhacay iyaga ka masuul ah iyagaana eedooda leh,waana la xisaabtameynaa ku doonmeyno…””ayuu yiri Khaliif.

Si kastaba Digniinta Wasiirka amniga Puntland ayaa kusoo beegmeysa xili xalay Israsaaseyn Boosaaso ay ku dhexmartay Ciidamada Booliska iyo Koox hubaysan,waxaana lagu eedeeyey in uu ku lugleeyey Gen Cabdullaahi Siciid Samatar balse qudhiisu taas wuu beeniyey.

XOG  RBC

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS