Qaar Ka Mid Ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Guul Ku Tilmaamay Hadalka Xoghayaha Guud Ee Q/M U Ku Taageeray Qorshaha Qaadista Cunaqabateynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya

Qaar kamid ah Xildhibaanada Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhaweeyey hadalkii kasoo baxay xoghayaha guud ee qaramada midoobe Ban Ki Moon ee uu ku sheegay iney ka qeyb qaadan doono dadaalada ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso in Soomaaliya looga qaado xayiraada dhanka hubka ah ee lagu soo rogay kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay hadalka Ban Ki Moon isagoona ku tilmaamay iney tahay arin gacan ka geysan karta fududeynta doonista dowlada Soomaaliya ee arinta ku saabsan qaadista cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye ee ka dhacay.

Xildhibaan Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay qaadista cunaqabateynta Hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya si mar kale dib loogu qalabeeyo ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya oo dib u dhiskooda ay ku hawlantahay dowlada cusub ee Soomaaliya kuwaas oo laga sugayo xasilinta iyo nabad kusoo dabaalidadalka Soomaaliya.

Max’ed Cumar Dalxa ayaa intaa ku daray in hadalka xoghayaha guud ee qaramada midoobe uu muujinayo halka ay beesha caalamku ka taagantahay taageerida dalka Soomaaliya oo uu 22 sano kadib ka dhashay isbedel ugub ah kaasoo ay indhaha ku wada hayaan wadamada aduunka,wuxuuna xildhibaanku kula taliyey xukuumada Soomaaliya iney halkaa kasii wado dadaalada ay ku dooneyso dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS