Wafdigii ka socday Jubbaland oo Garoowe goor dhow soo gaaray.

Wafdigii Ka socday Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Garoowe gabaldhicii ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Duleedka Magaalada oo ay uga hortageen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland Ururada Bulshada rayidka Haweenka iyo Dadkale oo Farabadan waxaana Wafdigan oo ka kooban 5 Xubin loo soo galbiyay dhanka Caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe iyadoo xiligii la sugayay Wafigaasi 3da gablnimo ee maanta ahayd ay ka dib dheceen.

Wafdiga ayaa iminka la geeyey Hotel Rugsan-ee Magaalada Halkaasi oo sida la sheegayo ay iminka ku kala Warbixin qaadanayaan Madaxda Dowlada oo Wasiiro u badan kadibna waxaa la filayaa in xiliyada soo aadan ay la kulmaan Madaxda Puntland.

Wafigan oo Ganacsato ka kooban ayaa waxa ay booqashadoodooda ku micneeyey in ay Taageero iyo Talo ay ka helaan Maamulka iyo shacabka Puntland.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS