Wararka laga helayo deegaanka Ceeldibir oo ka tirsan buuraleyda galgala ayaa kusoo waramaya in dagaal culusi uu galabta ka dhacay deegaankaas kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland iyo koox ka tirsan ururka Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaysa deegaankaas islamarkaasna ciidamadu ay dagal gaadmo ah ku qaadeen.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalkani uu qarxay galabta Sadexdii galabnimo (sagaal saac) kadib markii si degdeg ah ay halkaas ku tageen ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland islamarkaasna ay dagaal ku qaadeen ciidamo katirsan Ururka Alshabaab iyadoona dagaalkaasi uu mudo soconayey, dagaalka ayaa khasaaro kaladuwani ka dhashay.
Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Ceeldibir oo dhanka xeebta kaga beegan dhulka sare ee buuraleyde Galgala waxaana halkaas weeraray ciidamo gaar ah oo qorsheeyey weerarka kuwaasoo isugu jiray guutada madaxtooyada iyo ciidanka hay;adda PIS-ta ee gobolka Bari waxaana ciidankan hogaaminayey taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland S/guuto. Cumar Cabdullaahi Faroole.
Saraakiil katirsan ciidamada Aagaga Galgala ayaa warbaahinta Puntlandi u sheegtay in weerarkaas ay ku geeryoodeen sadex ruux oo katirsanaa ciidamadii Alshabaab ee dagaalka la galay ciidamada Alshabaab waxana sidoo kale dhaawac lagu qabtay ugu yaraan labo kale oo katirsanaa ciidanka Alshabaab ee dagalkii galabta ka qaybgalay.
Dagaalka ayaa soo dhamaaday mardanbe oo galabta ah waxana dhaawacyadii dagalkaas ka dhashay loosoo qaaday magaalada Boosaaso iyadoona lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Boosaaso halkaas oo ay ku booqdeen saraakiil sarsare oo katirsan ciidamada difaaca Putnland, dhinaca kalena waxaa dhaawacyo fududi ay soo gaareen sadex askari oo katirsan ciidamada Madaxtooyada Puntland kaidb markii gaari nooca ciidamada qaada ahi uu ku gadoomay deegaanka Galgala iyadoona xaalada ciidamada dhaawacmay ay wanaagsantahy, Dagalaka maanta ayaa yimid kadib markii ciidamada dawladu ay heleen xog ku saabsan ciidamo Alshabaab ah oo halkaas ku dhuumaysanaya, Dawlada Puntland ayaa goordhow Warmurtiyeed kasoo saari doonta dagaalkii maanta dhacay.
