Warar hordhac ah ayaa qeexaya tirada xildhibaanada, wasiirada iyo hoggaanka maamul goboleedka Jubbaland state ay noqonayaan sida hoos ku qoran:

 

Magaalada Kismaayo waxaa ka socda qaban qaabo xoogan oo loogu jiro qabsoomida shirweynaha furmaya 23/02-2013 Warar hordhac ah ayaa qeexaya tirada xildhibaanada, wasiirada iyo hoggaanka maamul goboleedka Jubbaland state ay noqonayaan sida hoos ku qoran:

Magaca Maamul Goboledka:Jubbaland State

Calanka: wali la iskuma waafaqin

Caasimada: Kismaayo

Tirada xildhibaanada ilaa 60 ama 70 xildhibaano

Golaha wasiirada: ugu badnaan 10 wasiiro.

Degmo kasta waxaa loo qoondeeyay inay iska soo xusho 27 ergo halka degmada Kismaayo la siiyay 75 ergo maadaamo iyado ka dad badan tahay degmooyinka kale.

Sadaxda gobol ee uu ka bahoobay Jubbaland state  ayaa ka kooban 15 degmo.

Jubbada Hoose= 5 degmo.

Jubbada Dhexe= 4 degmo

Gedo= 6  degmo.

Hogaanka maamul gobleedku wuxuu ka koobnaan doonaa Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen.

Mudada maamulka uu jiri doonaa 3 ama 4 sanno kolba kan la isku raaco.

Shirweynuhu wuxuu furmayaa 23/02/2013, waxaan qorshaysan in lagu soo afjmeero  08/3-2013.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS