Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in Soomaaliya lagu duqeeyo

June 4, 2010 by admin
Filed under: posts 

 Jimco, June 04, 2010 (CODW) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho shalay ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal la doonayo in hawada sare looga duqeeyo Soomaaliya.

Macallin Xaashi wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay Cirka, Dhulka iyo Badda kula dagaalamaan cid walba oo iyaga kasoo horjeeda, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay u diyaargaroobaan inay soo ridaan diyaaradaha dagaal ee la doonayo in lagu duqeeyo Soomaaliya.

“Waxaa jira qorshayaal ay Gaaladu ku doonayso inay ku duqeeyaan goobaha ay ka taliyaan Islaamiyiinta ee Soomaaliya, balse waxaan diyaar u nahay una sheegaynaa inaan soo ridayno diyaaradahooda” ayuu yiri Macallin Xaashi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xisbul Islaam wuxuu sheegay inay dhawaan soo gudbin doonaan Magacyada dalalka doonaya inay hawada sare ka duqeeyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan.

Dhanka kale, mar uu ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay Muqdisho ayuu mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay dusha ka saaray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay in dagaalladii dhacay looga guuleystay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

“Waxaa dagaalladii ka dhacay Muqdisho looga guuleystay AMISOM iyo Dowladda, waxaana dadkii ku dhintay dusha u ridanaya Sheekh Shariif oo lagu badlay Col. C/llaahi Yuusuf si loosii wado xasuuqa Shacabka” ayuu yiri Macallin Xaashi.

Ururka Xisbul Islaam ayaan ka qaybgelin dagaalladii shalay ka dhacay Waqooyiga MUqdisho, iyadoo ururkan uu xulufo la yahay Xarrakatul Shabaab iyagoo dagaal Wadajir ah kula jira Dowladda Soomaaliya.

W/D   MAXAMED CABDIKADIR SAXARDIID

XIG HOL

 
 
 
 

 

 
 

Comments

Tell me what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!

You must be logged in to post a comment.