Weeraryahan u dhashay dalka waqooyiga Kuuriya ayaa waxaa la sheegay in sida kaliya ee uga qaybgali doono cayaaraha adduunka ay tahay goolhaye ahaan ka dib markii xulka dalkiisu ku diiwaan geliyey goolhaye ahaan ayagoo ku dadaalayey in ay weeraryahan dheeraad ah helaan

June 4, 2010 by admin
Filed under: posts 

 

Weerar yahankan oo lagu magacaabo Kim Myon-Wong ayaa waxa ay xiriirka dalkiisu ku diiwaan geliyeen ama geliyeen booskii loogu tala galay goohayaha saddexaad taasoo ay ula jeedeen in haddii dhaawaca weeraryahanadoodu bataan ay haystaan mid dheeri ah isla markaana aysan u baahnaan doonin goolhaye saddexaad, waxaase taasi gaashaanka ku dhuftay xiriirka kubadda cagta adduunka (FIFA).

Qoraal ka soo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in weeraryahankaasi uu sida kaliya uu uga cayaari karo cayaaraha adduunka ay tahay in uu ka cayaaro booskii lagu diiwaan geliyey oo ahaa goolhaye ayadoo dhinaca kalena lagu sheegay in xul waliba laga doonayo in ay liiskooda ku soo gudbiyaan saddex goolhaye.

“Kim Myon-Wong kama cayaari dooni dhexda haddii goolhaye ahaan loo soo gudbiyey liiskii hore” ayaa lagu sheegay qoraalkaasi taasi oo walaac badan ku abuurtay reer waqooyiga Kuuriya maadaama la gudbay xiligii ugu dambeeyey ee laga rabay in xiriir waliba ku soo gudbiyo cayaartoydiisa ugu dambaysa isla markaana sida kaliya oo cayaartoy lagu badalan karo ay tahay dhaawac halis ah oo soo gaara cayaartoy kale oo ka tirsan xulkaasi 24 saac ka hor cayaarta ugu horeysa.

Si kastaba ha ahaatee xulka Kuuriyada waqooyi ayaa ku khasaaray qamaarkii ay ku galeen cayaaryahankan/  

W/D MAXAMED CABDIKADIR  SAXARDIID

Comments

Tell me what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!

You must be logged in to post a comment.