Sameul Eto’o oo ka mid ah ciyaartooyda Xulka Cameroon ugu qayb gali doonto Koobka Adduunka oo dhawaan ka furmi doono Dalka koonfur Afrika ayaa sheegay inuusan xiiseyneen inuu ciyaaro tartanka ugu xiisaha badan dunida.
Samuel Eto’o “Ma Doonayo Inaan ciyaaro Koobka Adduunka”
Eto’o ayaa sheegay inuu doorbidayao inuu fasaxiisa sanbadkaan si raaxo ah ku qaato,halkii uu ka aadi lahaa Koobka Adduunka.
“..Ma doonayo inaan ciyaaro Koobka Adduunka,waxaan heystaa maalmo yar si aan ugu fikiro inaan aqbalo codsiga Tababaraha Xulka iyo inaan diido..” Eto’o ayaa sidaas sheegay.
Hadalka Eto’o ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay ka dib hadalo dhaliil ah oo uu dhawaan Roger Mila u jeediyay Eto’o, isagoona ku eedeeyay inuusan aheyn Eto-ka Tartamada Yurub wacdaraha ka dhigaya marka uu u safanayo Qaranka Cameroon, laakiin Eto’o ayaa hadalkaasi si weyn ugu carooday, isagoona dhowr jeer ku hanjabay inuu ka hari doono ciyaartooyda koobka Adduunka ee Xulka Cameroon, balse markaan ayuu ciyaaryahanka si rasmi ah u sheegay inuu ka fiirsanayo inuu aado koonfur Afrik iyo in kale.
Si kastaba dhawaaqa ka soo yeeray Eto’o ayaa ku soo aadayo xilli un ay 24-saac ka soo wareegtaay ka dib markii si rasmi ah tababare La Guen uu u shaaciyay 23-ciyaartooy ee Xulka Cameroon kaga qayb gali doonto Koobka Aduunka,isagoona Eto’o hogaan u ah xiddigaha la magacaabay.
W/D MAXAMED CABDIKADIR SAXARDIID

