Faalada codkawaamo
Sida la wada og yahay qaabka ay dorashooyinka loo qeebiyo ayaa ah sadex qeybood Tan hore xisbiyada loo lamayo waxaa loo ogolaadaa iney dadkooda ka dhaadhiciyaan qorshayaashooda siyaasadeed ee ku aadan tartanka dorashada hadey ku guuleystaan madaxtinimada taasi markey soo gabo gaboowdo waxaa xigta in dadweynuhu intooda isu diiwaan galisay ka qeyb galaan dorashada si ay u siiyaan codkooda hadba musharaxa ay doonayaan inuu ku guuleysto jaggada madaxtinimada Somaliland. iyo wajiga ugu danbeysa oo ah in lagu dhawaaqo cida ku guuleysatey tartankaasi waana halka ay sarartu ka qurantay.
waxaana taasi ugu wacan baa la oran karaa Africa oo aan wali u bislaan nidaamka xisbiyada badan, si taasi xal loogu helo waxaa loo sameeyey nidaam lagu qanciyo kii guuleystey iyo kan laga guuleystaba wuxuuna noqdey mid meel mar ah ama dhaqan galey bacdamaa la ogaadey dhamaan kuwa ku hardamayo xukunka iney wax dan ah u heyn dadka iyo dalka ay doonayaan iney xukunkiisa hantaan marka laga reebo danahiisa gaarka ah.
Sidaa awgeed faalada Codkawaamo waxey ku soo afmeyreysaa doorashada Somaliland iney waxba ka duwaneyn kuwaan horey u soo aragney, oo waxaa marna meesha laga saari kareyn in musharaxa laga guuleysto yiraahdo ma aqbalayo go’aanka gudiga doorashada halka kan guuleystana uu u riyaaqi doono go’aankaasi kadibna waxaa durbadiiba halkaasi ka dhalata isku dhac kadibna waxaa loo adeegsan doonaa halbeegii aynu ka soo hadalney oo ahaa (power sharing).sida kal dhoweyto lagu dhex dhexaadiyey doorashadii ka dhacdey dalka KENYA.
hadaan si kale u dhigo waxaa tartanka ku soo bixi doono ninka la yiraahdo Riyaale halka Silaanyana oran doono dorashadu si xaq ah uma aysan dhicin mana ku qanacsani ga’aanka ah in dorashadaasi la iiga guuleystay.
kadibna waxaa lagu qancin doonaa inuu noqdo Ra’isul wasaare, Riyaalena loo daayo madaxweyne nimadiisa waana fikirka kaliya lagu kala badbaadinka iney goroda isla galaan kooxahan loolamayo Alle ayaase naga og sida ay arintu ku danbeyn doonto.
Mustafa Haji

