Baaq ku socda dagaalka Bari/Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

QORE: ISLAM BARI
Nin ka duday distoorkii waxyiga, diinti ka carrowye
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
anigoo ah Islam Bari ” Gadac” waxaa ugu baaqayaa in ay dirirta iyo colaada joojiyaan labada beelood ee kala ah, Muuse Saleebaan”ugar” iyo Cali Saleebaan.dagaal aan sharci ahayn aduun iyo aakhirba waa lagu seegaa, dadku waa islam, dhiig islam waa xaaraan, dadka waa xigaalo, waa wiil iyo abtigiis, iyo ilmo adeer wada dhashay
waxaa maanta dhacaya waa wax aad kasbateen markii aad kitaabkii alle u xukuntagi waydeen ee xeerar iyo quraafaad miciin bideen inaad maalin walba ku kala baxdaan wax aan natiijo lagu gaarayn. intaas oo nin oo aan aqaano ayaad iska disheen waligiina kitaab alle umaydaan xukun tagin waxaad wali guranaysaana waa miraheedii, waligeedna waad kujiri doontaan inta aad daaquud aad u xukun tagaysaan amase ilaahay khayrkii iyo xukun boqoro idiin sameeyeen.
waxaan akhriyey baaq nabadeed oo ay soo saareen odayaal badan oo cali saleebaan ah oo ay ku codsanayaan in colaada lajoojiyo. waa hadal aad u wanaagsan in colaada lajoojiyo, oo anna waan ku baaqayaa sidoo kale.
laakiin haddii adoo Isim ah aad iska fiirsato dhibaatadu intay faraha kabaxayso oo markii la isku aduun iyo aakhiro seego aad dalkii iyo dadkii aad caaqilka iyo odaga u ahayd sidii nin hadda kusoo baraarugay aad u hadasho waxay wax u dhimaysa dadkeena, dalkeena iyo diinta aynu aaminsanahay, oo waxaad noqon nin fidnada markay timaado garta ee markay soo socoto ka qafilan Isinimada iyo odaynimadaaduna waxay la dhiman dhalintii dhimatay ee wax hore ugu taliya oo dhiigooda iyo naftoodaba badbaadiya waayey.
waxaan horey ula soconay in niman bosaso meherad fadhiya lalaayey laakiin ilaahay mahadiis aysan dhiman oo 4nin dhaawacmeen.
hadana ninkii 4ta nin dhaawacay iyo rag uu wato labo wiil oo safara oo tuulo kaqadaynaya uu labadiiba dilay, waxaa hadana warka sida hoose lagu heleyey ileen dadku waa dad wada dhashaye in ninkii yemen doon loo saaray.
Gartii markii loola yimid nimanka halkaan kuwada qoran oo ku hadlaya magaca cali saleebaana inay iskala gureen reer hebel uraaca iyo reer hebel u raaca walow qarkood ay arimahaas nadiif kayihiin. hadaba haddii aydin wada dhalan colaad iyo nabadba oo sadii “rasuulku scw yiri ugar gaar walaalka markii uu gardaran yahay iyo markii laga gardaran yahay , taas oo aan ahayn sidii jahiliyada ee sida shareecadu qabta ah” ,maxaad maanta bayaankaan usoo wada saarteen idinkoo isku duuban hadaydan gardara iska qabanayn.
anigu madifaacayo muuse saleebaan laakiin nin walba ha ogaado inaysan munaafaqadi dadkaan reer guuraaga ah kala saareyn ee waxaa kala saaraya yahay in loo cadaalad sameeyo.
oo markii ay gardaran yihiina sharciga islaamka lala tiigsado markii laga gardaran yahayna kitaabka wax loogu qaybiyo.
odayaasha bayaanka soo saaray ee hadda isku ah beesha cali saleebaan
.
1.Beeldaaje Faarax Xaaji Cabdulaahi
2.Boqor Cumar Boqor Ismaacil
3.Suldaan Ciise Xassan Cumar
4.Suldaan Bashiir Muuse
5.Suldaan Cumar Geestiir
6.Nabadoon Qaxiye Ciise
7.Nabadoon Maxamed Khuurshe
8.Nabadoon Maxamed Muuse Samatar
9.Maxamuud Xayir Ibraahim (Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland)
10.Dr.Yaasiin Faarax Cartan (Kusimaha Beeldaajaha)
11.Liibaan Yuusuf Maxamed (Liibaan Dheere)
12.Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo)
13.Mahad Siciid Jabiye
14.Siciid Cabdalla Karaama
15.Maxamuud Sheikh Ciid
16.Ladane Saalax Deer
17.Jaamac Xaaji Cabdulaahi
18.Nabadoon Abshir Yaasiin
19.Muuse Xaaji Faarax
http://galgalanews.com/index/?p=2625/baaq-nabadeed-beesha-cali-saleebaan
http://burucnews.wordpress.com/2010/06/29/waxgaradka-beesha-cali-saleebaan-oo-baaq-nabadeed-soo-saartay/
1-Suldaan Xasan Aw-Yusuf Ismacil
2-Xaaji Xasan Cumar Xasan “Beder”
3-Xildhibaan Sheebe Sheikh Mohamoud
4-Nabadoon Siciid Cumar Xasan “Kashawiito”
5-Cabdulqadir Maxamoud Fay
6-Suldaan Cumar Geesdiir
7-Xaaji Ibraahim
8-Caaqil Cabdirizaq Axmed Jamac
9-Caaqil Cabdillaahi Cawaale
10-Caaqil Cumar Siciid Cumar
11-Cabdisamad Maxamuud Gacameey
12-Dr. Muxiyaddiin Cali Yusuf
13-Mahad Maxamed Warsame
14-Ayanle Maxamuud Jamac
15-Axmed Calishire
16-Cabdirizaaq Cumar Jamac
17-Suldaan Bashiir Musse Koonte
18-Caaqil Maxamed Aw-Yusuf “ Jiniboqor”
19-nabadoon Cabdalla Awyusuf
20-Maxamed cabdullahi warsame
http://www.puntlander.com/PL-2962010.htm
qurbajoogta cali saleebaan
Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Cali Yare
Eng. Abdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Shiikh-Aduun )
Eng. Mahad Saciid Salaad
Dr. Maxamuud Maxamed Cali Dhegoweyne
Eng.. Maciin Axmed Cali
Dr. Abshir Xirsi Ismaaciil
Eng. Maxamed Cabdiraxmaan Gaarcad
Dr. Cumar Shire
Drs Jamila said Musse
Aqoonyahan Liibaan Xirsi Ismaaciil.
Aqoonyahayn Cabdixakiim Jaamac Jooje
Aqoonyahan Siyaad Cali Farey
Aqoonyahan Cabdikariim Maxamed Cumar
Shiikh Axmed Cabdi.
Eng. Axmed Ismaaciil.
Dr. Abshir Cisse
Dr. Siciid Yuusuf Maxamed
Saleebaan Maxamed Cumar
Khadar Maxamed Axmed (JACFAR)
Nabadoon Maxamuud Yuusuf Dheere.
Nuur Yuusuf Dheere.
Mustafe Cali Madoobe.
Aqoonyahan Maxamed Mashruuc.
Yuusuf Siciid Takar
Cabdixakiim Maxamed Ciise qaxye
Xaawo Maxamed Ciise Qaxye
DRS. Aamino Maxamuud Cali Yare ( Joomo )
Drs. Muxubo Yuusuf Maxamed.
Drs. Jamiilo Jibriil
Mahad Maxamuud Cali Yare
Abshir Maxamuud Cali Yare
Jamaal Siciid Buuryaqab
Maxamed Yaasiin Cali Buur
Leylo Jaamac Jooje
Shukri Yuusuf Dheere
Safiyo Maxamuud Cali Yare
Idil Maxamuud Cali yare
Samsam Maxamuud Cali Yare
Caasho Maxamuud Cali Yare
Raawaco Yuusuf Maxamed
Jamiilo Yuusuf Maxamed
Ladan Xirsi Ismaaciil
Guuleed Xirsi Ismaaciil
Idil Xirsi Ismaaciil
Xaawo Cali Madoobe
Jamiilo Saciid Salaad
cabdulaahi suldaan timo cadde wuxuu yiri:
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkii waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
By: islam Bari :khadar Gadac
Comments