Qardho Qaylodhaanta kasoo yeertay malagu Qanci karaa iyo c/Quran
Codka waamo: dhawaan waxaa kadhacay gobolka karkaar dagaal ku salaysan aano qabiil, inkasta oo warbaahinta qaarkeed ay ku sheegeen inay ku salaysnayd daaq iyo deegaan, balse waxaa iska cadaa in beelahaasi aan taariiqda lagu hayn inay deegaan isku qabteen oo ay is dhex de gaan min bada cas ilaa badweynta hindiya oo aysan lahayn xuduudo kala qaybiya saasna ay fac kafac kuwada daganaayeen.
hadaba waxaa muuqata in waxaa dadkaas ay isku hayaan iskuna hayn doonaan haddii aysan soo dhamayn ay noqon doonto aano qabiil balse aysan horeyna raad ugu lahayn uguna yeelan doonin daaqsin iyo dhul midoodna.
hadii aan dib ugu laabto ciwaanka kor kuxusan ee ah qaylodhaanta qardho malagu qanci karaa iyo cabdiquran ,waxaa dadka somaliyeed layaab ku noqday qoylodhaanta kasoo yeertay maamulka karkaar ee ay ku codsanayaan in hay”aduhu lasoo gaaraan kaalmo,dadka ku barakacay colaaddii labada beelood . iyagoo ka maamul ahaan aan waliba soo gabagabayn dhibkii beelaha kala gaaray
mida kale dadku ma ahayn dad xasuuq iyo caruur iyo xaasas in layska laayo ka dhaxayso ,mana suuroobayso in sida koonfurta somaliya dadku intay guryahoodii cabsi uga tagaan dhirta hoos jiiftaan, haddii xataa ay dhacdo waxaa lagu jiraa xili barwaaqo ah oo barkadihiina buuxan miyigiina uu caano leeyahay .
sidaas darteed waxay somalidu tiraahdaa wixii nin ku khasaaro nin ayaa ku faa’iida, sidaas darteed waxaa moodaa dhawaaqa qordho in uu yahay mid looga faa’iidaysanayo colaada si hay’adaha ay shabaag ugu dhigtaan . taas oo sumcad xumana ku ah labada beelood ganacsatadooda, aqoon yahanadooda, iyo waliba maamulka guud ee puntland.
waxaa taas kasii daran in ay deegaankaas hada ku sugan yihiin guurtidii deegaanka oo idil oo waliba ay weheliyaan boqorkii qardhood.
waa kan baaqii qardho ee shabaagta loogu dhiganayo hay’adaha ka hawl gala caalamka iyo waliba puntland.
by:codkawaamo edditor
xaalado Adag Soo Wajahay Dadkii Ka
Barakacay Degaannada Uurjire iyo Duud
hooyo ee G/karkaar
Maamulka gobolka Karkaar ayaa sheegay in dhibaato dhanka nolosha ah ay soo wajahday dadkii ka barakacay degaano hoos taga gobolka Karkaar oo ay ka dhaceen dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac.
Guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in dadkii rayidka ahaa ee ka barakacay degaanada Uurjire iyo duud-hooyo oo ay dagaaladu ka dhaceen ay iminka ku dhibaataysanyihin goobo banaan oo ay u carareen.
Wuxuu sheegay in dadkaas ay isaga carareen guryahooda si ay uga badbaadan dagaalka,isagoo xusay in Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo degaanadaas gaarey si uu u dhex dhexaadiyo beelihi halkaas ku dagaalamay uu kusoo wargeliyey in dadka barakacay ay dhibaataysanyihin.
Yoonis Cali Faarax ayaa xusay in dadka dhibaataysan ay u badanyihin Haween iyo Caruur ayadoo qaylo dhaan ku sabsan xaalada adag ee soo foodsaartay u sheegay in ay u gudbiyeen qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka.
Degaanka Uurjire iyo Duud-hooyo ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleed oo sababay dhimasho iyo dhaawac,waxaana halkaas ku baxay masuuliyin ka tirsan Puntland oo rabay in ay dhex dhexaadiyaan beelaha dagaalamay.
Horseed Media

