Janaqoow oo Magaalada Nairobi ku Busaaradeysan rumeysanna waayey in laga qaaday Wasiirnimadii, Iyo Daahir Maxamud Geelle oo ku dooday in Howl uu Wasaaradda Warfaafinta ka waday laga kala dhantaalay.
| Ra’isulwasaare Cumar C/Rashiid ayaa Maanta shaaciyey Gole Wasiirro oo qaarna ay cusubyihiin qaarkalena Jagooyinkii ay horay u hayeen loo kala wareejiyey, Iyadoo Wasiirradii horay isku casilayna aanan lagu soo darin Wasiiradan cusub, Sidoo kalena waxaa Gebi’ahaanba laga saaray Golihii Wasiirrada C/Raxmaan janaqoow oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda, Daahir Maxamuud Geelle oo isna ahaa Wasiirka Warfaafinta Iyo weliba Farxaan Cali Maxamuud oo ku magacawnaa Wasiirka Maleeshiyooyinka.Dhanka kale Axmed C/Salaan iyo Saaxiibkiis Mustaf Dhuxuloow ayaa lagu soo daray Golahan cusub ee Wasiirrada, Maadaama C/Raxmaan C/Shakuur oo ay Axmed C/Salaan isku Beel yihiin iyo janaqoow oo ay Mustaf Dhuxuloow isku Beel yihiin looga saaray Booskii Wasiirnimo oo ay qaabka 4.5ka ugu fadhiyeen.
Janaqoow oo ka mid ah Wasiirrada sida lama filaanka ah ku waayey jagadoodii Wasiirnimo ayaa Dad Magaalada Nairobi ku sugan waxa ay inoo sheegeen in uu isagoo Magaalada Nairobi ku sugan maqlay in jagadii Wasiirnimo laga qaaday una qaadan waayey, Waxana Dad Xog’ogaal u ah Xaaladdiisa ay inoo soo gudbiyeen in Janaqoow uu haatan ku sugan yahay Xaalad lagu sheegay Busaaradnimo Maadaama Magacii uu Hotelka ku degganaa laga qaaday Jeebkiisuna uusan aad u buurneyn. Daahir maxamuud Geelle ayaa isna u qaadan waayey in laga qaaday Wasaaraddii Warfaafinta ee uu horay u sheegay in uu dib Boorka uga jafay islamarkaana Heesihii hore ee Radio Muqdisho oo Daxaleystay uu dib usoo cusbooneysiiyey Digitalna uu ka soo dhigay, waa sida uu sheegaye, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sida la sheegay ku dooday Markii jagada laga qaaday in uu Juhdi badan geliyey Wasaaradda Warfaafinta oo Qarashyo badan oo Deyn ahaan uu ku soo qaadayna ay ka galeen, Sidaa darteedna ay Xaqdarro tahay in aan la tixgelin Howsha Baaxaddaas leh ee uu qabtay oo Iyadoo aan lala tashan laga Xayuubiyey Booskii uu ku Habboonaa lagana kala dhantaallay Howl Qabyo u ahayd, Sida uu Hadalka u dhigay. Janaqoow iyo Daahir Maxamuud Geelle ayaa Labadaba aad uga xumaaday Jagooyinkii ay isi siiyeen oo sida lama fillaanka ah looga qaaday Iyagoo aad uga xumaaday isla markaana sida la sheegay illaa haatan Rumeysan la’ sida uu Saxiibkood Shariif ku Aqbalay in la’eryo by. edditor source hillaac.net. |
| · |

