Masjidkii Isbahaysiga Islamka mawaxaa Lagu Badalay Mawlaca Isbahaysiga IGAD!!?
shacuub walba oo islam ah waxay leeyihiin Masajid Jaamaca oo inta badan kasoo qayb galaan madaxda markaas hogaanka xukunka haysa , xataa haddii ay madaxdaasi yihiin kuwa cilmaaniya oo aan shareeca islam ku hogaamin, si ay umadooda u tusaan inay dad islaam ah yihiin wax kasta oo culimada umadaasi ka aaminsan tahay.
Hadaba sidaan wada ogsoonahay masaajidka isbahaysiga islamka waxaa weeye misjidka jaamaca ee dalka somalia iyo waliba masjidka jaamaca guud ee caasumada somalia, waxaana uu ku yaal dhulka fara kuriska ah ee gacanta ugu jira AMISOM, iyo dowladda kumeelgaarka ah.
Masajidka sidaas xushmada u leh oo magaciisa sida kamuuqata ah Dhisme Masajid Midow Islam,ayaa shariifyo waxay kadoorteen in ay Mawlac Isbahaysi IGAD ay ku badashaan oo laga dhisay Villa Somalia, taas oo ku iftiiminaysa siday kula fogaadeen shacabka Islamka ee somaliyed oo in Mowlacaas ay ku tukadaan iska daaye haddii dhaqdhaqaaq homaag laga dareemo agagaarka aqalka shariifyo AMISOM ay Alteleri, “amase hubka culus lagu garaacayo” kuuna cadaynaysa in aan wax shacaba gacanta ugu jirin marka laga reebo xubnaha baarlamaanka qaarkood. inkasta oo iyaga laftigoodu uusan qaadin Mowlacan IGAD ayna horey u sheegeen in loogu talagalay400 qof halka baarlamaanku kayahay 500 oo qof waaba haddii ay wada tukadaane.
Sidee ku yahay Mawlac Isbahaysi IGAD ?.Maxaase cadeyna?
Mowlacaan IGAD furitaankiisa waxaa lagu soo aadiyey kadib markii shariifku kayimid shirkii uu ciidamada uga codsanayey IGAD. inkasta oo codsigiisu uu iska ahaa afgobaadsi oo IGAD iyo Meles waxay ka samaynayaan somaliya ay horey ugu sii qorshaysnayd, ayna ahaydba sababta dib loogu soo doortay xukunka in uu kunturaddii somalia wixii ka khaldamay lasaxo, IGAD iyo Melesna hawshaas ay fuliyan. si qorshahaan u hirgalana Meles xukunka dib loogu soo celiyo.
hadaba Meles waa loo fuliyey tiisii oo Xukunkii dib ayuu ugu soo laabtay, isagoo helay 100% , halka 5sano kahor maalmihii doorashadu dhacaysay maydku jidadka Adis Ababa yaaley, Mucaaradkii latartamayeyna uu xabsiyada qarsoonaa ee Milatariga isugu geeyey, hadaba Maxaa is badalay? Waa maxay sababta uu kuhelay codbixinta intaas le’eg? Mise loomama codayn?
waxaan oran karnaa waxaa is badalay dhowr arimood intii ay ciidamada Iihaadhigtu soo galeen oo waliba meelo kamida qabsadeen ciidda Islamka ee Somalia.
1-waxaa midoobay Gaaladdii xabashada oo dhan markii ay arkeen ehaanada iyo burburka loo geysanayo caasumaddii Islamka Somalia ee muqdisho.
2-waxaa laga shaqeeyey in lamideeyo kaniisadihii kala duwanaa ee gaalada si ay isku aragti uga qaataan leynta dadka islamka ah ee somaliyed taas oo lacag iyo waqtiba ay galiyeen Gaalada kuweeda waaweyn.
3-waxaa dadka xabashida loo sheegay in sidii dowladihii kahoreeyey Meles sheegi jireen in dhulka somaliya uu yahay dhul aan nafac lahayn ay been tahay. walibana dhulka somaligalbeed ay xabashidu gumaysato loo aqoonsaday dhul barwaaqo sooran ah.sidaas darteedna shacabka gaalada a ee xabashada damacoodii dhul doonka iyo islam ladirirka ahaa ayaa meel sare gaaray, ilaa hada ayba rabaan in ay badda somalia meel ka helaan markii damicii biyaha Erateria ay karabeen faraha looga gubtay.
4-waxaa loo hanjabay dadka islamka ee kunool Ethiopia iyadoo loo sheegay in ninkii codayn waaya oo waliba Meles YES oran waaya loo aqoonsan doono in uu Argagixida ALQA’IDA iyo Alshabaab ka tirsan yahay amaseba uu taageersan yahay.
5-waxaa korjoogto caalamiya looga dhigay madaxda kiniisadaha caalamka. oo iyaguba ah injiinka uu ku socdo Meles oo ah cadowga koowaad ee islamka geeska africa.
Maanta waxaa halkaan soo miciyo lisanaya Meles oo hawl badan loo sii qabtay tan iyo intii wadanka xoogga looga saarey.iyadoo xiligaas cararkiisii lagu qariyey heshiiskii Jabuti oo ahaa Fatwaddii sheekh cabdulqadir Gacamey ee Masjid Rowda oo aan dhagahayga ku dhagaystay in cadow kugu sooduulay lala heshiin karo iyo waliba in Ethiopia lala heshiin karo oo markaas xamar masajidda xataa Tabliiqa aan dagaalamayn kala baxaysay.
waa maxay howsha loo sii qabtay Meles?
1-waxaa lasameeyey ciidan loo bixiyey ahlusuna oo amxaaro hiil iyo hoo lagarab taagan, oo waliba si wanaagsan loo maalgaliyey.
2-waxaa lasameeyey ciidamo qabiil oo magaca dowladda wata oo inta badan xuduudaha ethiopia iyo kenya saldhig looga dhigay, sifiicana loo maalgaliyo.
3-waxaa lasameyey niman culimo ah oo Visaha loo fududeeyo iyo Maxaadarooyinka khadadka tooska ah, si ay u kala gooyaan isku xirnaantii jaaliyadaha somalida islamka ah ee Qurbaha kunool iyo dadka dalka difaaca kaga jira ee diinta islamka u adeegaya.
4-waxaa la dhexgalay qabilooyinkii iyo dhalinyaraddii shalay codowga u midaysnaa waxaa na lagu yeeshay xubno qarsoon iyo kuwa aanba qarsanayn garab istaaga gaaladda duulaanka.
5-waxaa qafaal aan qarsoonayn laga fuliyey xeryihii qaxootiga somalida ee kenya iyo magaalooyin kamida dhulka somalida ee kenya maamusho lagana aruuriyey caruur aan qaangaarin oo ciidan loo qoray. ciidankaas oo taageero u noqon doona cadowga duulaanka kusoo ah somalia iyo waliba inay garabsiiya an haddii loo baahdo ciidamadda kenya iyo kuwa IGAD.
6-waxaa la adkeeyey xiriirka puntland iyo amxaarada oo waxaa Gorawe laga furay xafiis milatariga qaabilsan oo lasocda dhaqdhaqaaqa dhalinyarada , inkasta oo lagu sheegay Safaarad amase Qunsuliyad.
7-waxaa laysku duba riday doorashaddii somaliland iyadoo waliba loo hambalyeeyey, si iyagana waxaa muslimiinta ku dhacaya looga indhasaabo iyo caasumaddii dalkooda islamka ah.
8-waxaa heshiish dhagareed hubka looga dhigayo lala galay dhalinyaraddi saxwadda iyo waliba kuwii jamhadihii qabiilka iyo qowmiyadda ku dhisnaa ee dhulka islamka somalida ee xabashidu gumaysato, waxaana loo bixiyey NEW GOLIS iyagoo lagu soo jiheeyey ciidda islamka ee somaliya intoodii lagu kalsoonaa.NEW GOLIS waa magaca xabishidu rabto inay ku badasho magacii Somalia haday ku guulaysato inay qabsoto somalia,sida gobolka china kaqabsaday turki loo bixiyey NEW—–.
9- Masar iyo Sudan oo looga cabsi qabo in hiil islam u qaado dadka somalida ah ee islamka ah, ayaa IGAD iyo dowladaha ay amarka ka qaantaan ugu hanjabeen in biyaha wabiga Nile laga jarayo. halka Uganda si bareera u cadeysay inay xirayso madaxwynaha Sudan haddii uu kasoo qayb galo shir Kambala ka dhacayey.Waxaa cunaqabatayn lasaaray Eriteria, waxaana lagu qasbay in ay leheshiiso Jabuti si ciidamadda jabuti ee xaduudka eriteria jooga loogu soo daad gureeyo somalia. heshiiskaas oo ay dowladda Qadar qandaraas ku qaadatay.
10- Biyaha somaliya ayaa lasoo dhoobay Maraakiib dagaal oo loogu talogalay inay garab istaagaan duulanka gaalada. si ay gantaalo iyo dayuuradaba ugu hurgufaan dadka islamka ah ee somaliyed, halka Culimo somali ah leeyihiin in laga hortagaa duulanka gaaladu waa Fitno. websideka u janjeera culimadaas ee Halgan.netna uu sawirada kasoo qaadayo villa somalia taas oo kuu cadaynaysa xiriirka dhow ay laleeyihiin shariifyo iyo waliba in ay suurto galtahay in Imam laga siiyo Mawlaca IGAD ee Villa Somalia.
inkasta oo qoraalku ila dheeraday, Maxuu yahay Jidka inoo furan haddii aan somalinahay islamna nahay ee aan codowgaan sidaas na iloogu jilceyey looguna talo galay in uu natirtiro aan isaga celin karnaa? jawaabtu Jidka Alle.
haddii xabashi Kenya,amase Jabuti doomo laga soo saaro oo xeebaha somaliya lagu daadsho,haddii Gedo ilaa Galgaduud ay dhulka soo maraan,haddii IGAD iyo Kenya xuduud beenaadka kasoo gudbaan, haddii Maraakiib iyo Diyaarado Gantaalo laga soo tuuro, iyo haddii Somali Dabadhilifyo ah oo hada islamka ku dhexjira hubka lasoo baxaan ay ku taageerayaan cadowga.
DiinDiin meeshii loogu tashaday Alle ayaa joogay ayey somalidu tiraahdaa, Hadaba ogaada Gaalo iyo gaaloRaacoow diinta Islamka iyo dadkeedu balanqaad Alle yahay haystaan, Isticdaadna waa galeen iyo diyaar garow adag, oo jano ama ku toosnaan jidka Rabi lagu raadinayo. waxaan kula talin lahaa hooyadii hadhow ilmayn doontay ilmahaaga hada u tasho.IGAD cancel this new contract or it will be No more IGAD.
eeg halkan.net xiriirka halgan iyo shariif:
http://www.halgan.net/view_article.php?articleid=14021
halkaan akhri xiriirka dhaxeeya meles iyo jowhar.com
http://www.jowhar.com/news.php?readmore=797
by:Gadac

