Al-Shabaab Oo Sheegatay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaaladda Kampala

July 12, 2010 by admin
Filed under: posts 

Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labo qarax oo habeenimadii xalay ka dhacay magaaladda Kampala ee caasimada dalka Uganda,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan.

Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ugu talagaleen in ay aar gudaan shacabka Soomaaliyeed oo uu tibaaxay in ay xasuuqeen Ciidanka Uganda ee ku sugan magaaladda Muqdisho.

Wuxuu intaa ku daray in mudo ku siman 12-maalmood ay diyaarinayeen qaraxyadaas isagoo sidoo kale digniin u direy shacabka reer Burundi isla markaana xusay in qaraxyo la beegsan doonaan magaaladda Caasimada ah ee Bujumbura.

Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa dhowaan digniin ujeediyey wadamada Burundi iyo Uganda oo u sheegay in ay la beegsan doonaan weeraro.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalka Uganda oo isagu la hadlay Wakaaladda AP ayaa sheegay in qaraxyadaas ay aaminsanyihiin in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan xarakada al-shabaab oo magaciisa ku sheegay Shiikh Yusuf Shiikh Ciise ayaa warbaahinta AP u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qaraxa, laakiin waxa uu diidey in uu caddeeyo in ay iyagu fuliyeen iyo in kale.

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha ka dhashey qaraxyadaas ayaa sheegaaya in ay ku dhinteen dad gaaraya 74-qof,Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa isna booqday goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen isagoo ku eedeyey in ay geysteen dad argagaxiiso ah isla markaana wacad ku maray in ay meel weliba kasoo qaban doonaan.
Xigasho  HN

Comments

Tell me what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!

You must be logged in to post a comment.