Allaa yarxam Siyaad Barre

July 12, 2010 by admin
Filed under: posts 

Waxaan cisho dhoweyto ka daawadey Tv-ga Universal dood ku dhexmartey Abdi Xoosh iyo qalooyin kale. oo ku saabsaneyd 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyad qaadashadii Soomaaliya. Inkastoo aysan si hufan u qaadaa dhigin farqiga u dhaxeyey maalinkaasi iyo maalinka maanta ah marka laga Eego dhanka Amaanka,Dhaqaalaha, Horumarka iyo wixii la mid ah.

“Marka laga soo tago hadalkii ka tagey Inna Xoosh ka sakow ayaa wuxuu hadal iga raacey ereygii loogu jawaabey oo aheyd “Allaa yarxam Siyaad Barre ileen adiggaa la taliye u ahaayee” Dhabcan inkasta oo aynaan hubin inuu shaqsigani la taliye u ahaa madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre iyo in kale, haddana waxaan marnaba meesha laga saari kareyn qof walboo madax ah hadduusan xulan la taliye wacan inuu hogaankaasi ba’a iyo hoog ku danbeyn doono.

Sidaa awgeed Madaxweyne Sheekh Sharif malaha waxaad ahaan laheydba ogow inaad ku qalan tahay hadba kuwa aad talada la wadaagto.

Mustafa Haji

Comments

Tell me what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!

You must be logged in to post a comment.