Ku maa u igmadey Mr.Gaandi mashruuca nabadeynta jubbooyinka iyo Gedo?
Laga soo bilaabo maalinkey burburtey dowladii Siyaad Barre sanadii 1991- kii, kolba kooxdii magaalada Kismaayo qabsata waxey ku riyoon jirtey iney maalin un arkaan iyagoo halkaasi ka yagleelay maamul ay sutida u hayaan oo loogu magacdaro Maamul goboleedka Jubbadaland.
Balse waxaad moodaa intuba iney xaqiiqdu ka fogaayeen waayo soomaali waxey tiraahdaa “Markii Ceelalyoow Hishiiso bay Xoolahu biyo cabaan” sida la wada og yahay dalka iyo dadka waamo wada deggo colaad baa Aafeysay iskaba daa gobolka kale ee Gedo oo dhul iyo daaqsinba la wadaago Gobolada Bay iyo Bakool.
Waxaan taa ula jedaa marka la doonayo in nabad laga curiyo degaankan waa in qabaa’ilada wada deggo degaanka hishiisiintooda wax waliba laga horeysiiyaa kadibna qoloba qolada kale ku karameysaa degaankeeda (constituency) oo misna xeerkii iyo sooyaalkii dalku lahaa dib loo raaco markaa kadib ayun baa la oran karaa haddey taabo gal tahay maamul iyo hogaan lagu mideysan yahay laga dhiso ama la yagleelo halkaasi.
Waxaadse moodaa intaasi la hareer marayo, markii Prof.Gaandi oo aan waxba ka aqoon xeerarkii iyo Sooyaalkii degaanadatan yiraahdo maamul Jubbaland ayaan dhisayaa ? qof walboo u dhuun doloolo isbedelada had iyo jeer ka aloosan jubbooyinka waxaa durbadiiba ku soo dhaceysa su’aalo badan sida oo Yaa u Igmadey howshatan Mr. Gaandi mise wixiisu waa hadaan Kooye ? Marka Prof. Gaandi waxaan lee nahay dalakan wuxuu lee yahay xeer iyo sooyaal u gaar ah mana garan karo nimaan u dhalan deegaankani hadduusan xaalku aheyn reerkayaga ayaa doc ka deggan jubbada.
Waxaan qoraalkeygan ku soo gunaanadayaa nabad ka dhalataa gayigga Waamo waxaa ka horeeyo iney kolka hore dadka deegaanka kuwada dhashey ay hishiiyaan gacmaha isqabsadaan markaa kadibna ku dhaqaaqaan wixii la gudboon iyaggoon loo kala turjumaheyn.
Mustafa Haji/
Comments