Askar lagu dilay magaalada Boosaaso

July 20, 2010 by admin
Filed under: posts 

Labadan askari oo lagu kala dilay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa waxay ka
tirsanayeen ciidamo howlgalo raaf ah ka waday magaaladaasi.
Dilkaasi ayaa waxaa la sheegayaa inay geysteen rag hubeysan oo aan la ogeyn cidda ay ka tirsan yihiin iyo sababta dilka ku soo beegay xiligan. ay maalintii labaad ay ka socoto magaaladaasi howlgallo lagu qab-qabanayo dadka ka soo jeedda gobollada Koonfurta Somalia. waxaana dadkaasi laga qab-qabanayaa suuqyada, jidadka iyo goobaha ganacsiga ee Boosaaso.

Howlgalkan oo ay wadaan ciiamada boliiskan ayaa lagu sheegay in lagu sugayo ammaanka, waxaana saaka ay ciidamadu soo qab-qabteen boqolaal dhalinyaro,
kuwaasi la geeyay haatana lagu hayo saldhig ciidanku ku leeyihiin magaalada Boosaaso.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka ka soo jeeda gobollada koonfureed, kuwaasoo meherado iyo ganacsi fara badan ku leh magaalada Bossaso.
Wararka kale ayaa sheegaya in qaar ka tirsan dadkii la qab-qabtay shaleyto la geeyay magaalada Gaalkacyo
Xigasho Allsanaag.

Comments

Tell me what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!

You must be logged in to post a comment.