Madaxweyne Sh.Shariif malaga yabaa inuu iska dhiibo dalka Talyaaniga
Runtii waa macquul iney kuu cuntami weydo arintan balse Somalidu waxey tiraahdaa akhyaar waxeysan foofsan baa u soo hoyda. Madaxweyne Shariif waxaad moodaa iney noqon weyday siduu ka filayey dadkii reer muqdisho oo aheyd iney gogol guduudan u dhigaan, Asxaabtii uu ka tirsanaan jirey sal danadatan horteedna isa seege’ oo waa isu dab iyo baasiiin.
Sidaa awgeed sow la isma oran karo Madaxweyne Shariif inta tol ahaan ula socoto armey ku dhiiradaan iyagoo u naseexeynaya ”Wadaadoow maad iska dabeyshatid? intaadan ku Adduun Iyo Aakhiro seegin”
Sida taariikhdu lagu hayo waxaa aad u yar shaqsi kursigaa ku fariista oo yiraahdo Cafal laahu camaa salaf wixii horee danbi ah Allaan uga toobad keeni xilkana waa iga intaa .
Waxeyse yiraahdaan anigu meeshatan waa la ii dhiibtay cidii i soo caleema saartey {ma laha waa reer galbeedkee} markey helaan qof kale oo xilkan iiga fara dhuudhuban ayaan meel un iska dhiibi doonaa ee iyagaan ka war sugi, markii taa iyada ah la gaarana haddee walaalkey Nur Cadde ayaa ii joogo oo waxba iga xumaani maayaan Ilaah idinkii.
Mustafa Haji
Comments