Alshabaab oo ku diirsan doonta dhalinta Puntland laga soo masaafuriyey

July 21, 2010 by admin
Filed under: posts 

Waxaan shaki ku jirin ‘qeeli yeertaa qoleysan uga darin” Dowlada Puntland waxey dadaal xooggan u gashey iney dibadda soo dhigto cid Alla iyo cidey u aqoonsato inuu ka soo jeedo gobolada konfureed ee Soomaaliya iyaggoo uga gol leh inaan loogu soo gabban kana baqaya khatar kaga timaada dhalinta Al shabaab.

Kol haddey Al Shabaab yihiin kuwa kaliyee looga cabsi qabo iney nabadaa yar carqalad galin karaan sow ayaan daro ma ahan inaad ku biiriso awood hor leh. haddaan si kale u iraahdo boqolaalka dhalinyarada ay soo qafaashey dowlada Puntland waliba inteen soo sooryeysay misana tiri ordaya konfur qabta oo Al shabaab ku biira.

Waxaan taa ula jeedaa Dhalintaa Puntland laga taxaabey ma laha lagama fakirin in halka lagu wadaa ay dheeman ka yihiin amase qaali waayo dhalintaa waxey doorasho la haayeen intey joogeyn degaanada Puntland koley wax bartaan, shaqeystaan ama dalkaba isaga hayamaan.

Balse waxaa muuqato halka dhalintaan haatan ku wajihan yihiin oo konfurta Soomaliya ah ineysan jirin doorasho sidaa u badan ee sida la filayo waa un yeel ama dhimo, labada la kal doorinsiiyana mida fudud waa inuu ku biiraa ka dibna dur duradoodaa laga yaabaa iney dusha ka maraan Puntland Xisbiga Al shabaabna u soo hoyaan guushii ay in badan ku taamayeen oo aheyd iney nuurka gaarsiiyaan gayigga Soomaliya oo idil.

Mar haddey tilaabadani la imaan karto khatar ka weyn mida hatan D/Puntland ka cabsi qabto, waxaa la is weydiin karaa xalku muxuu yahay? Dabcan dunidu waa wada qandaraasley oo dowladaha reer galbeedka  uu mareykanku u horeeya ayaa bixiya, si ay u tir tiraan hadba cadowga markaa ugu muuqdo inuu lidi ku yahay nidaamkooda.

Sidaa darteed maamulka Faroole haddey ku doodaan dhalintaaan dalkana kuma dhex heyn karo haddii aan ka saarana waxa ay ku biiriyaan waa Al shabaab ee waxaan u baahnahay dhaqaale aan kaga dhigo ciidan  puntland xeryana lagu hayo intey xaaladu wax iska badeli . 

Mustafa Haji

Comments

Tell me what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!

You must be logged in to post a comment.