Yuusuf Indhacadde Oo Sheegay Inuu La Dagaalamaayo Ciidamada Itoobiyaanka Hadii Ay Yimaadan Soomaaliya
Wasiiru dowlihii hore ee Wasaarada Gaashandhiga Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Yuusuf Siyaad Indhacadde oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ka dib markii uu kasoo kicitimay magaaladda Nairobi ayaa sheegay inuu la dagaalami doono Ciidamada Itoobiyaanka hadii dib ugu soo noqdaan dalka Soomaaliya.
Shir Jiraa’id uu Saxaafada ugu qabtay magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in xilligaan Ciidamada Shisheeye ee la keenayo Soomaaliya aysan wax ka qaban karin xaaladda adag ee ka jirta dalka.
Wuxuu intaa ku daray inuu la dagaalami doono Ciidan weliba oo Itoobiyaan ah hadii la keeno dalka isagoo xusay in ay sii hurinayaan colaada ka taagan Soomaaliya,iyadoo uu tibaaxay in markii hore ula dagaalamayay Ciidankaas xilli ay ku sugnayeen dalka.
Indhacadde ayaa sidoo kale sheegay in aysan qorshaha ugu jirin inuu Dawladda Federaalka wax xil ah ka qabto waqtigaan.
xigasho HM

