Gaadiid iyo Ciidankii Bariga Sanaag oo u Galay Puntland
Qaar ka mid ah ciidanka Somaliland ee fadhigoodu yahay degaannada Bariga Sanaag (Dhahar) oo watey Shan baabuur oo isugu jira afar baabuurta yaryar (Teknikada) iyo hal baabuur weyn (Xammuul) ayaa waxay u goosteen dhinaca maammul-goboleedka Puntland, halkaas oo sida wararka aannu degaannadaas ka helnay xaqiijiyeen ciidankan iyo gaadiidkoodiiba galeen gudaha maammul-goboleedka Puntland.
“Gaadiidka lala goostay oo ka kooban shan gaadhi (afar yaryar iyo hal xammuul ahi) waxay galeen dhinaca Puntland, waxana ciidankan iyo gaadiidkan la goostay taliyihii guutada deggan Dhahar (Halac) iyo nin layidhaahdo C/Jamaal”. Sidaas waxa yidhi Xuseen-dheere Taliyaha guutada 93-aad C/Qaranka oo ka mid ah ciidammada qaranka ee fadhigoodu yahay Bariga Sanaag oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.
Taliyaha ciidammada qaranka gobolka Sanaag Suldaan-Muuse Jaamac oo isagu ku sugan Hargeysa oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa isagu ka gaabsaday wax faah-faahin ah in uu k bixiyo arrintan.
Dhinaca kalena wararka qaarkood ayaa tibaaxaya arrintani in ay salka ku hayso saluug ka dhashay wasiirrada cusub ee uu magcaabay Madxweynaha Somaliland Md-Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo bulshada degaankaas (bariga Sanaag) ku dhaqani ay iska dhex arki waayeen. Halka qaar kalena sheegayaan in wasiirro iyo madax kale oo katirsan maammul-goboleedka Puntlan islamarkaasna iyagu kazoo jeeda degaannada Sanaag-bari oo beryahanba degannadaas ku sugnaa ay arrintan ka danbeeyaan.
Sikastaba ha ahaatee dhacdadan oo lasoo kulantay xilliga kala guurka hoggaanka sare iyo xukuumadda Somaliland yaa loo arki karaa weji hor leh oo kusoo kordhay habsami u socodkii maammulka iyo degganaanshaha Somaliland isla markaasna ay dhici karto in ay wax u dhimi karto dhinaca ammaanka sidoo kalena wax ka tari karto dhaqdhaqaaqyada wejiyada badan leh iyo xasillooni darrada beryahan ka jirey degaannada bariga Sanaag
Ceerigaabo/Qarannews

